Home Wararka Maanta Booliska Sweden oo qof ku toogtay koonfurta Caasimada Stockholm

Booliska Sweden oo qof ku toogtay koonfurta Caasimada Stockholm

0

Nin afartan sano jir ah ayaa boolisku toogasho ku dileen degmada
Nenishamn, koonfurta Caasimada Stockholm, xalay. Sida ay qortay warbaahinta Sweden.

Af hayeenka saxaafada u qabilsan booliiska Stockholm Carina Skagirlind ayaa yiri: “Ninka isla markii ayuu dhintay kadib markii booliska ay rasaas u isticmaaleen”. Sida ay ku warameyso Radio Sweden.

Booliska iyo gawaarida ambalaasta ayaa la ogeysiiyay 2 subaxnimo, in ninkan uu qatar ama halis yahay madama uu wato shay u muuqda hub iyadoo horay ay u jirtay hanjaabado kala duwan ” Afhayeenka booliska ayaa sheegay sidaasi

Afhayeenka booliska ayaa intaasi ku daray, “Xeer-ilaaliyeyaashu waxay bilaabi doonaan baaritaan la xiriira dhacdadan. waxaan  haynaa baaritaan horudhac ah oo ku saabsan
hanjabaadaha sharci darrada ah iyo iskudayada aan u adeegsaneyno rabshadaha ka dhanka ah saraakiisha booliska.

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here