Home Wararka Maanta Sweden oo kordhisay Xayiraada saaran Safarada dibada ee Midowga yurub ka baxsan

Sweden oo kordhisay Xayiraada saaran Safarada dibada ee Midowga yurub ka baxsan

0

Dowlada Sweden ayaa raacday soo jeedinta Guddiga Yurub waxayna sii dheereesay xayiraadda soo gelitaanka safarada ka baxsan Midowga Yurub, ilaa 30ka Juun. Sida ay qortay warbaahinta TT maanta

Mamnuucida kuma jirto muwaadiniinta iswiidhishka ah. Ma khusayso dadka ka imaanaya waddamada kale ee Midawga Yurub, ama muwaadiniinta Boqortooyada UK, Switzerland, Norway, Iceland iyo Liechtenstein.

Xayiraadda ayaa sidoo kale ka saaraysa dadka leh baahiya deg dega ah, iyo kuwa haysta ruqsada degenaanshada Iswidhan ee ku laabanaya guryahooda.

Dowladda ayaa horey u sii kordhisay xayiraada gelitaanka Sweden ee ka baxsan Midowga Yurub ilaa iyo June 15 keeda, taas oo qayb ka ah tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Corona.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here