Home Wararka Maanta Norway oo Xukun ku riday ninkii ka danbeeyay Weerarka Masaajidka Al-noor ee...

Norway oo Xukun ku riday ninkii ka danbeeyay Weerarka Masaajidka Al-noor ee Caasimada Oslo

0

Norway ayaa Xukun ku riday ninkii ka danbeeyay Weerarka Masaajidka Al-noor ee Caasimada Oslo iyo dilka dad kamid ah qaraabadiisa kula noolaa guriga uu daganaa.

Maanta oo khamiis ah ayaa xukun lagu riday Philip Manshaus oo ahaa nin cunsuri midigta fog ah kaasi oo weerar ku qaaday masaajidka Al-noor ee Caasimada Oslo halkaasi oo leeskugu diyaarinayay salaada Ciida.

Maxkamada ayaa ninkaasi ku xukuntay 21 sano oo xabsi ah kadib markii uu qirtay weerarka uu geestay isagoo sheegay in uu ka qoomamenayo in uusan dilin 50 qof si lamid ah ninka New Zealand ka dhacay ee lagu xasuuqay dadka badan.

ninkan maanta la xukumay ayaa sidoo kale waxa uu dilay nin China kasoo jeeda oo qoyskiisa kamid ahaa isagoo sababta ku sheegay in asalkiisa uusan aheyd norweigian.

Maxkamada oo ka dhacay degmada Baerum ee Sandvika ayaa ugu danbeen ku dhawaaqday xukunka oo ahaa 21 sano oo xabsi ah.

somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here