Home Wararka Maanta Somaliska Germany Meydka wiil somali ah oo laga helay Xabsi ku yaala Magaalada...

Germany Meydka wiil somali ah oo laga helay Xabsi ku yaala Magaalada Neustrelitz

0

Xabsi dhalinyarada lagu xiro oo ku yaalla magaalada Neustrelitz ee dalka Jarmalka ayaa waxaa saaka qolkii uu kaga xirnaa laga helay meydka wiil Soomaali ah oo 19 sano jir ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee deegaanka ayaa geerida marxuumka baaritaankeeda wada si loo ogaado sababta uu u dhintay.

Marxuumka oo aan magaciisa la sheegin ayaa sanad ka hor ayaa la xukumay waxaana lagu eedeeyay inuu dhac weyn geystay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dad Soomaali ah ay xabsiyada Jarmalka ku yaalla ku dhintaan, kuwaasoo qaarkood aan illaa hadda la cadeynin sababta ay geeriyoodeen

Wiilkan ayaa noqonaya qofkii 3aad ee Soomaali ah ee sanad iyo bar gudihiisa xabsi Jarmalka ku yaalla ku geeriyooda, sababta dhimashadiisana aanan la caddeyn.

Somaliska Berlin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.