Home Wararka Maanta Stefan Löfven ”Dadka ka shaqeeya goobaha waayeelka waxaan ka bixineynaa lacagta waxbarashada”

Stefan Löfven ”Dadka ka shaqeeya goobaha waayeelka waxaan ka bixineynaa lacagta waxbarashada”

1

kadib markii uu qoraal soo dhigay barta Facebook ayuu raisal’wasaaraha Sweden Stefan ku shaaciyay in dowlada bixineyso lacagta waxbarashada ee dadka ka shaqeeya goobaha waayeelka lagu hayo isagoo intaasi ku daray in mushahar feecan la siinayo dadkaasi marka ay dhameestaan waxbarashadooda.

Stefan ayaa bartiisa waxa uu ku qoray sidan ” Dad badan ayaa xaq u leh Waxbarasho iyo in ay helaan Mushahar feecan ” isagoo intaasi ula jeeda dadka ka shaqeeya goobaha dadka waayeelka ah.

Raisa’wasaaha ayaa qoraalkiisa Facebook ku cadeeyay in Dadka ka shaqeeya goobaha Waayeelka ay soo mareen xili adag kuna soo shaqeeyeen xaalad adag.

Dadka helaya waxbarashada ayaa sidoo kale waxay xaq u yeelandoonaan mushahar xiliga ay ka maqanyihiin shaqadooda madama ay waxbarasho qaadanayaan waxana shaqaalahaasi kamid ah kalkaalisooyinka iyo ku xigeenada kalkaaliso waxa afka swidhishka lagu yiraahdo (undersköterska).

Dowlada ayaa ahmiyad siineysa shaqaalaha ka shaqeeya Goobaha Dadka waayeelka madama sweden ay ku jirto wadamada dadka ugu badan kaga dhinteen goobaha waayeelka marka la eego xaalada Corona.

Somaliska Stockhom

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here