Home Wararka Maanta Sweden oo ku dhawaaqday Furitaanka Safarada qaar laga bilaabo 13 june ee...

Sweden oo ku dhawaaqday Furitaanka Safarada qaar laga bilaabo 13 june ee bishan

0

kadib shir jaraa’id oo dowlada qabatay maanta ayay ku shaacisay in 13 bisha june ay toos u faranyihiin safarada gudaha dadka aan heysan xanuunka Corona waxana hadalkaasi ka dhawaajiyay Raisal wasaaraha Sweden Stefan Lovfen oo dhinac taagan qaar kamid ah wasiiradiisa gudaha.

Stefan ayaa intaasi ku daray in Xaalada Corona ee wadanka ay soo feecnaaneyso isbuucyadii ugu danbeeyay Dadka ku jira goobaha xaalada deg dega oo hoos u dhacay taasi oo keentay in la qaado qeyb kamid ah xayiraada saaran wadanka gaar ahaan dadka socdaalka sameeya labo saac iyagoo isticmaalaya gaari.

Wasiir ku xigeenka Sweden isabella ayaa dhankeeda sheegtay in qaadista xayiraada saaran wadanka aysan micnaheedu aheyd cudurka ayaa dhamaaday lakin wali uu cudurka uu jiro.

Madaxda Qeybta Caafimaadka Dadweynaha Johann Carlson ayaa dhankiisa muwaadiniinta Sweden ugu yeeray in ay sii wadaan Taxadarkooda ku aadan dhanka Xanuunka Safmareenka ee Convid 19 madama wadanka ay ka bilaabatay qaadista xayiraada saaran.

Tilaadada ay qaaday Dowlada ayaa noqonayo go’ankii labaad oo dowlada ku qaaday Xanibaada saaran wadanka madama horay loo furay iskuulada wadanka ee xirnaa.

Xaalada Corona ku soo korortay maanta.

Hay’ada Caafimaadka Dadweynaha ayaa maanta shirkeeda jaraa’id ku soo bandhigtay 20 qof oo u dhamatay xanuunka taasi oo tirada guud ka dhigeysa 4,652 qof guud ahaan tirada xanuunka qaaday ayaa ah 41,883 qof.

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here