Home Wararka Maanta Maxkamada Oslo oo go’an ka gaartay Khilaafka ka dhex jiray Maamulka Masjidka...

Maxkamada Oslo oo go’an ka gaartay Khilaafka ka dhex jiray Maamulka Masjidka Towfiiq

0

Kadib dhageysi ay sameesay Maxkamada Oslo ee ku aadan Muranka ka dhashay Masjidka Towfiiq ee labada Dhinac waxay Maxkamada maanta soo saartay go’an ah in aanan  Masjidka loo xugmin ama lagu wareejin labada gudi ee Khilaafka u dhaxeeyo.

Maxkamada ayaana go’ankaasi sabab uga dhigtay Madama aysan ku filneen Cadeymaha ay soo bandhigeen Labada Dhinac oo laga helay Qaladaad badan oo ku jira.

Maxkamada ayaa go’ankeeda ku dartay in Maamulka Masjidka uu sii heenayo gudi kale oo hada gacanta ku haya kaasi oo ah mid ku meel gaar ah.

Labada Gudi ee Khilaafka u dhaxeeyo ayaa mid kasta waxaa lagu xukumay bixinta Lacagta iyo Kharashaadka ku baxay Maxkamada intii ay socotay.

Bulshada Norway gaar ahaan kuwa ku nool Oslo oo go’anka sugayay ayaa maanta waxay aad u hadal hayeen go’anka Maxkamada.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here