Home Wararka Maanta Waa Sadax Haween oo mida ugu yar ay jirto 94 Sano waxay...

Waa Sadax Haween oo mida ugu yar ay jirto 94 Sano waxay kasoo kabsadeen Corona iyagoo ka hadlay

0

Xaalada Corona ee ka jira Wadanka sweden waxa saameenta ugu badan kasoo gaartay Dadka waayeelka ee ku nool xaruumaha lagu hayo dadkaasi ee lagu xanaaneeyo lakin qaar kamid ah dadkaasi ayaa helay xanaaneen wanaagsan markii uu ku dhacay xanuunka Corona waxana kamida ah sadax haween swidhish ah kuwaasi oo mida ugu yar ay jirto 94 sano halka tan ugu weyn ay jirto 99 sano.

Katie Bjorkman oo 99 sano jir ah Kichtene fallen oo 94 sano jir ah iyo Marit bruholmer oo 97 sano jir ah ayaa dhamaantood kasoo kabsaday xanuunka karona waxana ay ugu mahadceliyeen qeybta caafimaadka sida xanuunkooda loola tacaalay oo loo caawiyay.

” Waxaan dareemay Qandho kadib shaqaalaha ayaa ii sheegay in aan qabo xanuunka Corona ” ayay tiri katie oo 99 sano jir ah markaasi kadib waxaa la wacay gadheeda karen oo lagu wargaliyay in hooyadeed ay qabto xanuunka corona.

karen oo ka hadlay xaalka hooyadeed ayaa sheegtay in ay ka wal-walsaneed dhibka gaaray hooyadeed lakin dhoor isbuuc kadib ayay kasoo kabsatay xanuunka kadib daryeel caafimaad oo loo fidiyay.

labada haween oo kale oo ku kala sugan Gotenborg iyo Trollhatten ayaa dhamaantooda kasoo kabsaday xanuunkaasi ku dhacay oo mudo dhoor isbuuc ah u jiifeen waxana dhamaantood kasoo gaaray saameen xoogan sida culeeska jirkooda oo isdhimay.

Somaliska Stockholm

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here