Home Wararka Maanta Madaxweyne Donald Trump ” Xaalka hadii uu sidan ku socdo waxaan adeegsan...

Madaxweyne Donald Trump ” Xaalka hadii uu sidan ku socdo waxaan adeegsan doonaa Milatariga

0

Xaalada Mareykanka ayaa wali ah mid qalalaaso xoogan uu ka jiro waxana magaalooyinka wadanka ku fiday dibad-baxyo wata rabsho taasi oo keentay in la gubo xaruumo dhoor ah halka kuwa kale la dhacay waxaa arintaasi ka hadlay madaxweynaha Mareykanka Donald trump kaasi oo sheegay in Dowlada ay adeegsaneyso awood milatari.

Mr Trump ayaa sheegay inuu milatariga u diri doono magaalooyinka iyo gobollada ku guul darreystay inay wax ka qabtaan xasilooni darrada.

”Haddii magaalo ama gobol ay diidaan inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.. markaas waxaan howlgalin doonaa milatariga Mareykanka”

Laakiin qaar ka mid ah madaxda gobollada ayaa sheegay in dowladda dhexe aysan wax awood ah u lahayn inay ciidamo heer federaal ah howl galiso iyadoo aan fasax laga heysanin maamul goboleedyada.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya iyadoo xaalada mareykanka ay ka sii dartay isla markana ku faaftay wadamo badan oo caalamka ka tirsan.

Somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here