Home News in English Shirkada Turkish Airline oo soo bandhigtay Taariikh-da ay bilaabeyso duulimaadka yurub

Shirkada Turkish Airline oo soo bandhigtay Taariikh-da ay bilaabeyso duulimaadka yurub

0

Calan-sidaha Turkish Airlines (THY) ayaa ku dhawaaqday inay duullimaadyo toos ah ka bilaabayso 16 magaalo oo ku kala firirsan 6 dal oo Yurub ah ilaa 14 magaalo oo ku yaalla Anatolia 18-ka Juun, kuwaasoo ay ku jiraan khadad cusub oo aan horay u jirin.

Dayuuradda ayaa caadiyan duullimaadyada caalamiga ah Istanbul ka bilaabaysa Juun 10, halka duullimaadyadan Juun 18 ay u gaar yihiin Anatolia, oo ah qaybta Aasiya oo ah inta badan geyiga Turkiga.

Waxay diyaaraddu tegeysaa 16 magaalo oo ku kala yaalla Germany, Switzerland, Austria, Netherlands iyo Denmark, sida ay sheegtay THY.

THY oo 28-kii Maarso hakisay duullimaadyo ay ku tegi jirtey 127 dal oo caalamka ah Covid-19 dartii, ayaa doonaysa inay si tartiib tartiib ah usoo celiso, iyada oo 1-dii bishan bilowday qaar ka mid ah kuwa maxalliga ah.

Khadadka dib loo furayo iyo qaarka cusub ayaa waxaa ka mid ah Basel iyo koonfur bari Gaziantep, Hanover iyo koonfur bari Diyarbakır, Salzburg iyo woqooyiga gobollada Ordu/Giresun ee gobolka xiga Black Sea, Frankfurt iyo bariga Elazığ, iyo Amsterdam iyo bartamaha gobolka Kayseri. Waxaa tigidhada la heli karey wixii shalay oo Talaado ah ka bilowda.

Waxaa kaddib lasoo celin doonaa qaar ka mid ah duullimaadyadii Yurubta kale sida Munich, Berlin, Frankfurt, Stuttgart, Hannover, Cologne, Dusseldorf iyo Hamburg oo Germany ah; Zurich, Geneva iyo Basel oo Switzerland ka tirsan; Vienna iyo Salzburg oo Austria ku yaalla; Amsterdam oo Netherlands ah; Copenhagen oo Denmark; iyo Stockholm oo Sweden ah.

Somaliska Stockhom

xigasho/hadalsame

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here