Home Wararka Maanta Dowlada oo Mushahar siineysa Shaqaalaha Qaar ee Xanuunada gaarka qaba si Shaqada...

Dowlada oo Mushahar siineysa Shaqaalaha Qaar ee Xanuunada gaarka qaba si Shaqada kaga joogaan

0

Dowlada Sweden ayaa maanta soo saartay Hindise cusub oo dhigaya in lacagtooda mushaharka ama magdhow la siiyo shaqaalaha qaar ee xanuun dartii uga jooga shaqada waxana shaqaalahaasi lagu sheegay kuwa qaba xanuunada gaarka ah sida kansarka iyo wixii lamid ah.

Qofka Qaba Xanuunada Kansarka ama Cudurada halista ah ayaa shaqadooda ka joogaya laga bilaabo bisha July bilowgeeda ilaa sadax bilood waxana ay helidoonaan lacag magdhow ah oo gaareysa 804 kr maalin kasta taasi oo u dhiganta lacagta caadiga ah ee shaqada ka helaan.

Dowlada ayaa sharcigan Cusub horgeeneysa Barlamaanka waxaan la filayaa in dhawaan uu barlamaanka ansixiyo si durba dowlada u bilowdo.

” Sharciga waxa uu shaqeendoonaa mudo sadax bil ah mana jirto wadan kale oo sameeyay habkan ” waxaa sidaasi sheegtay ena Hallengren.

Sharcigan oo ay taageesanyihiin Xisbiyada wadanka badankooda waxaa loo soo jeediyay dhaliil ku aadan in laga reebay hooyada leh uurka oo kamid ah dadka heesta cudurada gaarka ama halis badan leh.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here