Home News in English Barlamaanka Ingariiska oo Ansixiyay Sharci Cusub iyo Sharuudo Quseeya Ajaanibta

Barlamaanka Ingariiska oo Ansixiyay Sharci Cusub iyo Sharuudo Quseeya Ajaanibta

0

Barlamaanka Dalka ingariiska ayaa ugu danbeyn maanta waxa uu ansixiyay Sharci Cusub kaasi oo horay dowlada ingariiska u soo saartay waxana sharcigan cusub uu qabanayaa qofka ajaniga ee doonaya in uu daganaansho ka dalbado UK ama uu ka shaqeesto wadanka waxana sharciga cusub kamid ah sharuudo lagu xirayo qofka dalbanaya Fiisaha Dalkaasi.

Sharciga Cusub ee Barlamaanka Ansixiyay iyo Sharuudahiisa Waxaa soo koobaya Warbaahinta Somaliska.com.

in aad dalbato Fiisaha ingariiska Waxaa ka horeeya.

1 waa in aad ingariiska ku hadli kartaa hadii aad dooneyso in aad codsato Fisaha Uk.

2 helitaanka Suuqa Shaqada ingariiska iyadoo loo eegayo Xirfadaada gaarka.

3 in aad leedahay awood ama karit dhanka suuqa shaqada.

4 in daqligaaga sanadki uu gaaro 28,000 kun oo Euro.

Sharcigan Cusub ayaa qeyb ka ah Nidaamka Dowlada ay ku wajaheyso ajaanibta madama Dowlada UK ay ka baxday midowga yurub iyo heshiisyada kala dhaxeeyay ee dhanka muwaadiniinta labada dhinac.

Sida uu Barlamaanka shaaciyay Sharcigan cusub ayaa bilaabanaya wixii ka danbeeya bisha january sanadka 2021 markaasi oo ingariiska uu toos uga bixidoona wadamada qeybta ka ah EU Waxana uu quseeyaa ajaanibta cusub oo kaliya.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here