Home Wararka Maanta Wiil dhalinyaro ah oo xalay lagu toogtay Magaalada helsingborg

Wiil dhalinyaro ah oo xalay lagu toogtay Magaalada helsingborg

0

Xalay ayaa Magaalada Helsingborg lagu toogtay wiil dhalinyaro ah kaasi oo dadiisa lagu sheegay 20 sano jir waxana toogashadiisa ka dhacday nawaaxiga Ragnvalla ee Magaalada Helsingborg booliska oo gaaray goobta uu ka dhacday weerarka ayaa ugu tagay wiilkan oo dhaawaca loo geestay u dhintay.

Afayeen u hadlay Booliska Nawaaxigaasi oo lagu magacaabo Evelina Olsson ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ee dadka deegaanka ku wargaliyeen toogashada dhacday  markii ay goobta tageena ay la kulmeen qof dhaawac ah kaasi oo loo qaaday isbitaalka halkaasi uu ku dhintay.

Qofka la toogtay ayaa loo badinayaa in uu xiriir la leeyahay kooxaha shabakadaha gangiska ee wadanka ka jira lakin booliska kama bixin wax faahfaahin oo la xiriira weerarka iyo qof loo qabtay.

Wadanka Sweden ayaa kamid ah wadamada sida aadka uga dhacaan toogashada ay isku geestaan kooxaha gangiska waxana badankooda ay dhacaan xiliga kuleelaha.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here