Home Wararka Maanta Migrationsverket oo soo saaray go’an ku socda Ajaanibta wadanka ku sugan

Migrationsverket oo soo saaray go’an ku socda Ajaanibta wadanka ku sugan

0

Hay’ada Socdaalka Sweden ee Migrationsverket ayaa maanta shaaca ka qaaday in ajaanib badan ay ku xayiranyihiin wadanka kuwaasi oo ka kala yimid wadamo kala duwan waxaana laanta socdaalka Sweden ay go’an ku gaartay in Fiisaha loo kordhiyay dadkaasi isla markana la balaariyo ilaa waqtiga hada jiro uu iska badalo.

go’anka Hay’ada ayaa lagu sheegay in uu yahay mid lagu caawinayo dadka ku sugan wadanka ee kasoo kala jeeda wadamada caalamka kuwaasi oo qaabab kala duwan ku joogay wadanka sweden.

Nicklos Polk ayaa kamid ah dadka ku xayiran wadanka kaasi oo mudo 8 sano ka shaqeenayay wadanka Canada lakin ugu danbeyn waxa uu kamid noqday dadka booqashada ku joogay sweden ee ku xayirmay.

” Waxaa ka imid wadanka Canada sida kaliya ee loogu laaban karo waa in aad la xiriirto Safaaradaha lakin aniga ma ihi muwaadin Canadiyaan ah waxaan ahay qof ka shaqeesta oo heesto sharci yurub ah ama dhalasho sidaasi darteed way adag tahay dib u noqoshadeeda ” Nickolos ayaa warbaahinta dowlada u sheegay sidaasi ”

tan iyo markii Xanuunka corona uu ka bilowday aduunka waxaa dad badan ay ku xayirmeen wadamada ay markaasi ku joogeen booqashada waxaana kamid ahaa wadanka Sweden.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here