Home Wararka Maanta Shaqo la’anta Sweden oo gaartay halkii ugu sareesay tan iyo 2014

Shaqo la’anta Sweden oo gaartay halkii ugu sareesay tan iyo 2014

0

Heerka Shaqo la’anta Sweden ayaa gaartay halkii ugu sareesay tan iyo sanadkii 2014 sida uu sheegay xafiiska Shaqada waxaana mudo isbuuc ah iska diiwaangaliyay xafiiska shaqada 11,057 qof halka 2,618 qof la siisay digniin ah in shaqadooda dhamaatay.

Madaxa Falanqeynta Xafiiska Shaqada Annika Sunden ayaa warbaahinta u sheegay in warbixinada shaqo la’anta ay soo kordhayaan maalinba maalinta ka danbeesa waxay intaasi ku dartay in digniino kale la filan karo ilaa laga baxo xanuunka safmarka ee Corona.

Heerka Shaqo la’anta Sweden ayaa korortay tan iyo markii Xanuunka Corona uu ka bilowday Dalka waxana xiligaasi wixii ka danbeeyay kordhay dadka shaqadooda laga buriyay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here