Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo wax ka badashey Baaritaanka Dadka Qaba Coronavirus

Dowlada Sweden oo wax ka badashey Baaritaanka Dadka Qaba Coronavirus

0

Dowlada Sweden ayaa maanta ku dhawaaqday qorshadeeda baaritaanka coronavirus waxana dowlada soo kordhisay in la baaro qof kasta oo booqday isbitaalka kaasi oo isku arka jiro ama xanuun la xiriira Corona madama maanta baaritaan lagu sameeyo dadka xanuunkooda uu yahay mid culus.

Dowlada ayaa ugu baaqday hay’ada Caafimaadka Dadweynaha in ay badasho qorshaheeda baaritaanka Corona si loo gaaro moolka ama hamiga ah in baaritaan lagu sameeyo dad gaaraya 100,000 kun oo qof isbuucii taasi oo ilaa hada la gaaran kala bar tirada loogu tala galay.

” Dadka la dhigo isbitaalka waxay helaan baaritaan feecan lakin dadka isbitaalka aan la dhigin ma helaan tijaabo dhanka Xanuunka ah ” Wasiirada arimaha bulshada Lina Hallingren ayaa warbaahinta u sheegtay.

Linna ayaa intaasi ku dartay in dadka lagu arko calaamadaha Corona ay u baahanyihiin ahmiyad gooni ah.

Dowlada ayaa go’ankan cusub waxay kaga danleedahay in ay kordhiso tirada dadka reer sweden ee laga baarayo xanuunka.

Somaliska Stokhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here