Home Wararka Maanta Amanda lind ”ha daahinin duugta/aaska Qofka dhintay”

Amanda lind ”ha daahinin duugta/aaska Qofka dhintay”

0

Wasiirada dhaqanka iyo Dimuquraadiyada Sweden Amanka lind oo maanta qabatay shir jaraa’id ayaa shacabka sweden ka codsatay in aan la daahin duugta ama aaska loo sameeyo qofka dhintay madama dad badan ay daahiyaan duugta si ay ugu helaan dad badan oo ka tirsan eheladooda si ay uga qeyb galaan duugtaasi.

” waa fahansanahay in dad badan ay doonayaan aruurinta dadka ehelkooda ah si ay kaga qeyb galaan aaska lakin hada waxaa muhiim ah in duugta aan dib loo dhigin ” Amanda ayaa shirkeeda jaraa’id ku sheegtay.

wasiirada ayaa intaasi ku dartay in xaalada Corona ee ka jira wadanka uu keeni karo dhibaato ka dhalata dib u dhigista duugta sida ciriiri ka dhasha magaalooyinka waaweyn sida stockhom.

tan iyo markii xanuunka corona uu ka dhashay Sweden waxaa ka dhashay ciriira badan oo dhanka dadka dhintay ah madama dad badan isku dayeen in ay dib u dhigaan waqtiga aaska si loo helo dad badan oo ka qeyb gala aaskaasi.

Somaliska Stokholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here