Home Wararka Maanta Lacagta Kaamirada Wadooyinka (trängselskatten) oo laga joojinayo wadooyinka Stockholm iyo Gotenborg

Lacagta Kaamirada Wadooyinka (trängselskatten) oo laga joojinayo wadooyinka Stockholm iyo Gotenborg

0

kadib codsi ka yimid Maamulka Caasimadaha Stockholm iyo Gotenborg ayay dowlada ku hoolan tahay joojinta kaamirooyinka ku dhaca gawaawirada ee ku xiran wadooyinka kuwaasi oo lagu magacaabo (trängselskatten) si looga hortago faafida coronavirus madama kalkaaliyaasha ama shaqaalaha goobaha caafimaadka wadanka ay dhaqaalo dartii u isticmaali karaan tareenada iyo basaska kadibna keeni karaan in uu faafo xanuunka coronaha.

wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha Sweden Tomas Eneroth  ayaa codsi u gudbiyay Maamulka labada Caasimad si looga hadlo arintan lagu joojinayo kaamirada ku xiran wadooyinka ama loo keeno fikrad kale oo tan ka duwan.

kulanka labada dhinac ayaa lagu soo hadal qaadidoonaa in la yareeyo lacagta canshuurta ee wadooyinka si loo helo lacagta dhaqaalaha ee hada kasoo xaruuta canshuurta wadooyinka tusaale in aad bixiso 30 halkii markii hore aad ka bixin jirtay 60.

ugu danbeyn lama ogaan karo casuumaada dowlada ee Maamulkada Gobolada waxa kasoo bixi kara madama loo badinayo in si kumeel gaar ah loo hakinayo lacagtaasi.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here