Home Wararka Finland Dowlada Finland oo dhibaato u aragta Sweden kuna tilmaamtay mid halis ka...

Dowlada Finland oo dhibaato u aragta Sweden kuna tilmaamtay mid halis ka jirto

0

Dowlada finland gaar ahaan wasiirada Arimaha dibada Dalkaasi Maria Ohisalo ayaa warbaahinta u sheegtay in Sweden ay tahay dhibaatada ugu adag ee xiligan jirta kadib markii ay ka hadashey sida loo qaadi karo xaalada xanibaada ee saaran wadamada yurub gaar ahaan kuwa dhaca dhanka waqooyi.

Maria Ohisalo ayaa sheegtay in wadamada Denmark iyo Norway ay xakameeyeen xaalada halista ee ka dhalatay Corona lakin sweden laga soo sheegayo dhibaato halis ah oo keeni karta in aan la furin socdaalka ama xaduuda ay la wadaagaan.

hadalka dowlada Finland ayaa yimid kadib markii dhawaan komishinka reer Yurub wadamada Xubinta ka ah ee heesata isku xaalada fududeeyaan safarada muwaadiniinta.

Finland ayaa go’ankaasi u aragta mid dhibaato kaga imaan karta dhanka Sweden madama laga soo sheegayo xaalad adag oo dhanka Caronaha ah.

Somaliska Helisinke

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here