Home Wararka Maanta Sadax sano oo Xabsi ah Qofkii Calan Dal kale ku dhex guba...

Sadax sano oo Xabsi ah Qofkii Calan Dal kale ku dhex guba Dalka Germalka

0

Barlamaanka Wadanka Germalka ayaa ansixiyay sharci Cusub oo dhigaya in sadax sano xabsiga la dhigo qofka guba Calan wadan kale ama midka midowga yurub go’anka Barlamaanka ayaa yimid caro ka dhalatay dhacdadii lagu gubay Calanka israel oo dhacday sanadkii 2017.

xiligaasi wixii ka danbeeyay ayaa sharci daro laga dhigay in Calanka israel lagu gubo gudaha wadanka Germalka isagoo qofka ku muteesan karo ganaax lacageed halka kuwa kale ee wadamada kale uu caadi ka wadanka in la gubo guud ahaan sharciyadaasi ayaa hada loo badalay mudo sadax sano ah qofkii falkaasi ku kaca.

Wadanka Germalka ayaa marar badan waxaa ka dhaca qalalaaso looga soo horjeedo wadanka israel madama dad badan oo dalkaasi ku nool ay yihiin muslimiin ajanabi ah.

sharciga cusub ee Germany waxaa ka horeeyay mid ay horay u soo saartay dowlada Faransiiska oo dhigaya in Xabsi 6 bilood ay la galiyo qofkii calan guba.

Somaliska Berlin

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here