Home Wararka Maanta Italy oo maalinta isniinta fureysa Xuduudaha iyo guud ahaan ganacsiga wadanka gudahiisa...

Italy oo maalinta isniinta fureysa Xuduudaha iyo guud ahaan ganacsiga wadanka gudahiisa ah

0

Dowlada Taliyaaniga ayaa ku dhawaaqay in maalinta isniinka ee nagu soo wajahan fureyso ama fududeeneyso xaduudaha ay la wadaagto wadamada yurub sidoo kale ay toos u fureyso Dukmaada. goobaha lagu dabaashto iyo xeebaha wadanka ee dalxiisayaasha isticmaalaan taasi oo tamid mudo dheer oo wadanka xirnaa.

Dowlada ayaa intaasi ku dartay in fududeenta dhanka xuduuda uu bilaabanayo bisha june sadaxdeeda si dalxiisayaasha u soo galaan dalka sidoo kale ayay dowlada qaaday karantiilka saarnaa dadka gala wadankaasi go’ankaasi ayaana yimid kadib markii Germany iyo Austria ay ku dhawaaqeen xuduud furista wadankooda bisha june 15-keeda.

sababta ugu weyn ee taliyaaniga u furay Wadanka ayaa lagu sheegay in dhaqaalo salka ku hayo madama uu yahay wadan ku tiirsan dalxiisayaasha.

itlay ayaa noqday wadanka ugu badan ee saameenta kasoo gaartay cudurka Corona waxana u dhimatay xanuunkaasi 32,000 qof halka ay ka badanyihiin tirada qaaday xanuunka.

Somaliska Italy

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here