Home Wararka Maanta Germalka:- Maqaayad soo kordhisay koofiyado ay macaamiisha ku ilaalin karaan fogaanta bulshada...

Germalka:- Maqaayad soo kordhisay koofiyado ay macaamiisha ku ilaalin karaan fogaanta bulshada (distance)

0

mid kamid ah maqaayada Germalka gaar ahaan nuuca laga cabo kafeyga ayaa soo kordhisay hab cusub oo macaamiisha u ilaalin karaan fogaanka leesku jirsado kadib markii dowlada ay furtay goobaha maqaayada dalka waxaana habkan cusub bartiisa ku soo qoray malkiilaha iska leh goobta kafateeriyada oo macaamiisha u sheegay in ay xirtaan koofiyado ka ilaalinaya fogaanka uu u jiro qofka kale ee goobta ku sugan.

Rothe oo ah milkiilaha iska leh goobta maqaayada ayaa bartiisa Facebook soo dhigay sida ay macaamiishiisa u xirtaan koofiyada oo laga sameeyay caagadaha lagu galo goobaha lagu dabaashto si loo ilaaliyo fogaanta.

dad badan oo ku nool magaalada Schwerin  oo ah halka laga bilaabay xirashada koofiyadahan ayaa soo dhaweeyay talaada uu qaaday ninkan iska leh goobta maqaayada madama ay u baahanyihiin cadceeda banaanka oo lagu daray kafe iyo macmacaanka kale ee maqaayada.

ninkan 52 sano jirka ayaa fikradaan u keenay in dadka iska ilaaliyaan waxa keeni kara in xanuunka karona uu markale faafo madama ay goor dhow ka baxeen xanibaada saarneyd dalka.

ku dhawaad 174,400 qof ayaa qaaday xanuunka Corona gudaha Germalka halka ay u dhinteen 7,884

Somaliska Berlin

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here