Home Wararka Maanta Dowlada Norway oo waqti dheer ku kordhisay Xayiraada dhanka Duulimaadka ee wadanka...

Dowlada Norway oo waqti dheer ku kordhisay Xayiraada dhanka Duulimaadka ee wadanka saaran

0

Dowlada Norway ayaa kordhisay mudada wadanka uu ka xiran yahay dhanka Safarada dibada taasi oo laga dhigay ilaa bisha Agoosta 20-keeda sida ay shir jaraa’id ku shaacisay Rai’sal wasaaraha Norway Erna Solberg oo warbaahinta kula hadashey xafiiskeeda.

Erna Solberg ayaa sheegtay in go’anka uu yahay mid ka yimid dhanka Wasaarada arimaha dibada lakin dib u eegis la sameendoono marka la gaaro bartamaha bisha june si dowlada u furto safarada dhanka yurub inta aan la gaarin 20 july.

” Safarada Dibada si isdaba joog ah ayaa loo qiimeendoonaa ” Erna ayaa warbaahinta u sheegtay sidaasi.

go’anka dowlada ayaa imaanaya xili wadamo badan oo yurub ah ay dabciyeen xayiraada saaran wadankooda lakin wasiirada arimaha dibada oo dhankeeda hadashey ayaa sheegtay in dowlada ay arintaasi indhaha ku heyso.

Norway ayaa kamid ah wadamada ugu horeeyay ee soo roga xayiraada dhanka socdaalka ah waxaana taasi keentay in uu yaraado heerka faafitaanka xanuunka ee wadanka lakin taasi badalkeeda waxaa dhulka galay dhaqaalaha wadanka.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here