Home News in English Taliyaaniga oo Sharci siinaya Qaxooti gaaraya 600,000 kun Cudurka Corona dartii

Taliyaaniga oo Sharci siinaya Qaxooti gaaraya 600,000 kun Cudurka Corona dartii

0

Dowlada Taliyaaniga ayaa ku dhawaaqday in ay sharci siineyso Qaxooti ku sugan Dalkaasi ee aan heysan Sharciga dalka go’anka dowlada ayaa yimid kadib markii dadkaasi ay ka shaqeeyeen Beeraha Dalka taliyaaniga ee ku yaalla dhanka koonfurta halka kuwa kale ay si bilaasha ah ku caawiyeen Dadka waayeelka ee ku nool dalkaasi sida ay sheegtay wasiirka beeraha ee Taliyaaniga Teresa.

Dadka sharciga la siinayo oo mudo dheer ka shaqeenayay beeraha taliyaaniga iyagoo helaya lacag yar ayaa shaqadooda watay xiliga lagu guda jiray Corona taasi oo keentay in Dowlada u balanqaado sharci kumeel gaar ah oo 6 bil ah.

teresa bellanova ayaa tiri ” waa waqtigii lasiin lahaa sharci waayo waxay ka shaqeeyaan beero ay kasoo baxaan badi waxa laga cuno gudaha taliyaaniga”

Qaxootiga ku sugan Qaarada yurub ayaa iska dhiiba Dalka taliyaaniga marka ay wadamada kale ay ka waayaan Sharciga daganaanshaha taasi oo keenta in ay ka shaqeeyaan beeraha koonfurta taliyaaniga halkaasi oo lagu siiyo lacag ka yar mida caadiga ah.

ugu danbeyn ku dhawaad 30,560 qof ayaa taliyaaniga ugu dhimatay xanuunka corona iyadoo cudurka laga helay 219,000 qof.

Somaliska italy

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here