Home Wararka Maanta Dowlada oo 100 milyan ku caawineysa Dadka Sharci la’anta iyo Waayeelada

Dowlada oo 100 milyan ku caawineysa Dadka Sharci la’anta iyo Waayeelada

0

Labo kamid ah wasiirada Sweden ayaa maanta shir jaraa’id ku soo bandhigay lacag gaareysa 100 milyan kr oo lagu caawinayo Dadka ku jira bulshada ee aadka u nugul sida Dadka waayeelka iyo Dadka sharci la’anta ku ah wadanka ee u baahan caawinta.

Lacagta 100 Milyan ayay Dowlada u qeybisay sidan 50 loogu tala galay Caawinta Shaqooyinka bini’aadantinomo iyo 50 kale ee lagu caawinayo Dadka Gurila’anta, Dadka aan heysan sharciga wadanka iyo waayeelka lagu karantiilay guryahooda ee kaligood nool.

РDhibaatadan runtii way ina wada saamaysay, laakiin qaar ka mid ah bulshada ayaa gaar ahaan u nugul, ayay tidhi Isabella L̦vin.

Dowlada ayaa lacagtaasi taageerada ah ugu tala gashay in lagu caawinayo dadka u nugul dhibaatada waxaana uu socondoonaa mudada lagu jiro Xanuunka Corona.

Bishan oo kaliya Dowlada ayaa soo bandhogay dhoor Mashaariic iyo Dhaqaale oo lagu caawinayo Bulshada iyo Shirkadaha Dalka ka jira.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here