Home Wararka Finland Waqtiga dib loo furayo Dalka Finland oo shaaca laga qaaday maanta

Waqtiga dib loo furayo Dalka Finland oo shaaca laga qaaday maanta

0

Dowlada Finland iyo xisbiyada kale ee ka jira Dalka ayaa ugu danbeyn shaaca qaaday in dalka laga qafiifiyay Xayiraada saarneyd iyadoo laga bilaabo bisha july kowdeeda la furay goobaha maqaayada iyo goobaha kale ee Kafeyga laga cabo.

Shir jaraa’id oo ay qabteen hogaamiyaasha xisbiyada ayaa lagu soo bandhigay in sidoo kale goobaha iskuulada ay furanyihiin laga bilaabo 14 may ee bishan lakin dowlada ayaa intaasi ku dartay in xanibaada badankeeda la qaadidoono bilowga july.

Raisal Wasaaraha Finland Sanna Marin ayaa shirka jaraa’id ku tidhi ” Xanibaada Dalka waxaa loo qaadidoonaa si tartiib tartiib ah ”.

Dowlada ayaa dhanka kale waxay fasaxday kulamada ay iskugu yimaadaan bulshada kaasi oo laga dhigay ama la gaarsiiyay 50 qof halka markii hore la joojiyay.

Finland ayaa kamid ah wadamada dhaca waqooyiga Qaarada yurub kuwaasi oo laga diiwaan galiyay in xanuunka uusan ugu dhicin si halis ah bulshada finland ayaana kala barkooda uu asiibay xanuunka.

Somaliska Finland

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here