Home News in English Qofka hela diidmo waa in uu sugaa mudo 10 sano ah (Hindise...

Qofka hela diidmo waa in uu sugaa mudo 10 sano ah (Hindise Cusub)

0

Gudiga Arimaha Siyaasada ee Barlamaanka Sweden ayaa ka fakaraya Hindise dhigaya in Qofka hela diidmada uu sugo mudo 10 sano ah hadii uu doonayo Qofkaasi in markale uu iska dhiibo laanta Socdaalka ee Migrationsverket-ka oo qaabilsan arimaha soo galootiga Dalka.

Sharciyan Qofka hela diidmo waxaa qasab ku ah in uu sugo mudo afar sano ah si uu markale dalka iskaga dhiibo lakin sharcigan ayaa ka dhigaya in 6 sano oo dheeraad ah lagu daro waqtiga caadiga ee xiligan qaxootiga isku dhiibaan.

Hindisahan Cusub hadii barlamaanka la hordhigo isla markana uu Aqbalo waxaa dhibaato adag oo dhanka Sharciga soo wajaheysaa Qaxooti badan kuwaasi rajo ka leh in ay dib isku dhiibaan.

Mudada Barlamaanka la horgeenayo Hindisahan Cusub ayaa noqon kara waqti dheer madama xiligan wadanka uu la tacaalayo xaalada ka dhalatay Corona.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here