Home Wararka Maanta Sharci Cusub oo ku adag Qaxootiga oo bilaabanaya dhawaan sida lagu qoray...

Sharci Cusub oo ku adag Qaxootiga oo bilaabanaya dhawaan sida lagu qoray boga Migrationsverke

0

Sida lagu qoray boga hay’ada laanta socdaalka sweden ee migrationsverke laga bilaabo bisha july kowdeeda waxaa bilaabanaya sharci cusub kaasi oo dhigaya in qofka Qaxootiga uusan dooran karin goobta ama magaalada uu ku noolaanayo hadii uusan awoodin ama uusan iska dabari karin nolashiisa.

Qofka doonayo in uu doorta ama keensado adreska deegaanka uu jecelyahay waxa ka go’idoona lacagta gunada uu ka helo laanta socdaalka sweden ee migrationsverke sharcigan ayaana dhawaan la ansixiyay.

Qorshaha looga gonleeyay ayaa ah in kamuunada ka jira Dalka ay helaan qaxooti iyo dhaqaalo ku filan iyagoo markaasi helaya qaxootiga cusub ee dalka iska dhiibay sida lagu sheegay warbixinta lagu qoray boga laanta socdaalka sweden.

durba waxaa laanta socdaalka loo gudbiyay 25 kamid ah 32 kamuun kuwaasi oo soo gudbiyay qeybo kamid ah degmooyinkooda gaar ahaan kuwa dareemaya dhaqaalo dhanka bulshada ah.

Sharcigan cusub ee bilaabanaya bisha july ayaa saameen xoogan ku yeelanaya qaxootiga doonaya in ay iska dhiibaan dalka isla markana u baahan in ay ku noolaadaan degmooyin qaas ah oo ehelkooda ku noolyihiin ama asxaabtooda.

FG. warbixinta kuma cada qaxootiga kuwa horay isku dhiibay

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here