Home Wararka Maanta Maxkamada Oslo oo lasoo taagayo Haweeney Qaniiyo farta uga jartay Haweeney kale

Maxkamada Oslo oo lasoo taagayo Haweeney Qaniiyo farta uga jartay Haweeney kale

0

Maxkamada Oslo ayaa lagu wadaa in lasoo taago haweeney 52 sano jir ah oo haweeney kale farta ugu jartay qaniinyo xili ay labadooda ku sugnaayeen Masaajidka Towfiiq ee Caasimada Oslo kadib muran dhex maray labada haween oo somali ah sida uu ku waramayo joornaalka norway today.

sida ku cad warbixinta uu qoray Norwaytoday waxaa falka ay geesatay haweeneyda loo arkaa dambi culus madama qofka dhibanaha ah uu waayay qeyb kamid ah jirkiisa oo keeni karta in mudo dheer uusan shaqeysan.

Haweeneyda dhibanaha ah oo 30 sano jir ah ayaa loo ogolaaday in ay banaanka joogto mudada kiiska uu dhamaanayo halka haweeneyda kale xabsiga la dhigay.

sida ku cad warbixin kale oo lagu daabacay joornalka VG dhageysiga maxkamada kiiskan ee Haweeneyda ayaa la filayaa in uu dhaco 8-da bisha septemper ee sanadkan.

somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here