Home Wararka Maanta Norway oo ogolaaneysa kulamada ka badan 50-ka qof hadii ay buuxiyaan sharuudaha...

Norway oo ogolaaneysa kulamada ka badan 50-ka qof hadii ay buuxiyaan sharuudaha soo socda

0

Dowlada Norway oo mudo ka badan labo bil dalka ku soo rogtay xanibaad ayaa hada dib u bilowday in wadanka ay ka qaado xayiraadaha saaran ee ku aadan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shir jaraa’id uu qabtay Wasiirka Caafimaadka Dowlada Norway ayaa ku sheegay in Dowlada ay qorsheeneyso furitaanka kulamada ay iskugu imaanayaan 50-ka qof taasi oo horay loo mamnuucay.

ogolaanshaha kulamadan ayaa sharuud looga dhigay ilaalinta isku jirka fogaanka ee afka swidhishka lagu dhaho (Avstand) taasi oo keeni karta in uu yaraado halista faafista xanuunka iyo in kulanka uu noqdo mid uu qabanayo qof masuul ah.

Wasiirka Caafimaadka Norway bent høie ayaa dhanka kale sheegay in dowlada ay qorsheeneyso ogolaanshaha kulamada ka badan 200 boqol hadii xaalada ay ku socoto sidan.

hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo la furay qeybo kamid ah wadanka sida waxbarashada goobaha xanaanada caruurta si lamid ah sida ay sameysay dowlada Denmark.

Somaliska oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here