Home News in English Norway oo kordhisay Sharuudaha Luuqada ee qaadashada dhalashada ama basaboorka weyn

Norway oo kordhisay Sharuudaha Luuqada ee qaadashada dhalashada ama basaboorka weyn

0

Dowlada norway ayaa horay u soo saartay sharuudo adag oo lagu qaadanayo basaboorka weyn waxaana kamid ah dhanka luuqada hase yeeshee nuuca imtixaanka ee Luuqada ayaa ah mid fudud oo gaaraya heerka B1 lakin waxaa hada dowlada ay soo bandhigtay in imtixaankaasi loo badalo heerka B2 oo ka adag midkii hore.

Dowlada ayaa ku sheegtay in sababta loo adkeenayo imtixaanka ay tahay in qofka ku nool norway uusan ka dhexbixin bulshada qeebaheeda kala duwan sida wasiirada waxbarashada iyo isdhexgalka norway ay u sheegtay warbaahinta.

Guri Melby ayaa mar kale ku celisay ” Qofka wadanka joogay 7 sano isla markana qaadanaya dhalashada waxaa muhiim ah in uu si feecan u yaqaano luuqada dalka”

Norway ayaa ku biireysa wadamada ku adag imtixaanka luuqada marka uu qofka qaadanayo dhalashada hadii barlamaanka uu ansixiyo sharcigan kaasi oo dhawaan la filayo in la hordhigo barlamaanka.

Somaliska oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here