Home Wararka Maanta Norway oo kordhisay mudada ay xiranyihiin xaduudaha wadankeeda

Norway oo kordhisay mudada ay xiranyihiin xaduudaha wadankeeda

0

Dowlada norway ayaa ku dhawaaqay in mudo 15 maalin oo dheeri ah ay ku dartay waqtiga ay sii xirnaanayaan xaduudaha wadankeeda taasi oo salka ku heysa xaalada coronavirus ee wadanka ka taagan.

Qeybta wasaarada Cadaalada norway ayaa qoraal ay u dirtay EU-da u sheegtay in Norway ay wadankeeda sii xireyso ilaa bartamaha bisha may.

dowlada norway ayaana qoraalkeeda ku cadeen waqtiga rasmiga ee la filayo wadanka isla markana uu ka baxayo xaalada corona ee wadanka ka taagan.

Norway ayaa wadankeeda xirtay 15 maarso markaasi oo ay xirtay xaduudaha bariga iyo kuwa duulimaadka caalamiga.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here