Home Wararka Maanta Norway Qof walbo oo isku arka Calaamadaha Corona waa in la baaro...

Norway Qof walbo oo isku arka Calaamadaha Corona waa in la baaro bisha danbe

0

Dowlada Norway oo la tacaaleysa xaalada Corona ayaa sheegtay in Qof kasta oo isku arka Calaamadaha Corona laga baaro xanuunka baaritaanka ayaana bilaabanaya bishada may sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Bent Høie.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in Norway ay la tacaashay xanuunka taasi oo keentay in uu hooseeyo fiditaanka xanuunka lakin waxa uu intaasi ku daray in qof kasta oo isku arko calaamadaha xanuunka la baaro si looga hortago fidista xanuunka sida uu yahay qorshaha dowlada ee bisha may.

baaritaanka waxa muhiimada ugu horeeya lasiindoonaa macalimiinta ,ardayda iyo shaqaalaha goobaha iskuulada waxbarashada waxaa sidaasi markale u sheegay warbaahinta Bent Høie.

maanta oo isniin ah ku dhawaad 7,533 qof ayay sii mareysaa tirada xanuunka qaaday halka dhimashada ay mareyso 205 qof lakin dowlada ayaa dib u furtay iskuulada iyo goobaha kale ee bulshada.

somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here