Home Wararka Maanta Norway oo Sharci lacagta looga jarayo kasoo saartay Dadka kasoo adeegta gudaha...

Norway oo Sharci lacagta looga jarayo kasoo saartay Dadka kasoo adeegta gudaha Sweden

0

Dowlada Norway ayaa soo saartay Sharci Cusub kaasi oo quseeya Dadka jabiya Xayiraada Saaran Socdaalka arintaasi ayaana timid kadib markii Xiliga Ciida ay dad badan ka gudbeen Xaduuda Sweden halkaasi oo kasoo adeegteen.

Sharciga Cusub ayaa dhigaya in Lacagta laga jarto Qofka jabiya Sharcigan kaasi oo hela Lacagta Lagu qaato Jirada Sjukh pengar sida uu sheegay wasiirka Shaqada iyo arimaha bulshada Torbjørn Røe Isaksen oo qabtay Shir jaraa’id.

Ku dhawaad 2000 kun oo qof ayaa jabiyay Sharciga kadib markii ay ka gudbeen Xadka maalmaha Ciida iyagoo kasoo adeegtay Gudaha Sweden dadkaasi oo la karantiilay mudo 14 maalmood ah.

Ugu danbeen Dowlada ayaa sheegtay in go’anka uu yahay mid looga hortagayo faafida Xanuunka Corona isla markana lasii xoojinayo Xanibaada saaran wadanka.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here