Home Wararka Maanta Dood ka taagan Sharci ay soo saartay Norway oo lagu baaqay in...

Dood ka taagan Sharci ay soo saartay Norway oo lagu baaqay in dib loo dhigo

0

Dood ayaa ka taagan Sharci dhawaan ay soo saartay Dowlada Norway kaasi ku aadan Taxi,da ama tagaasida ka shaqeysa wadanka muranka ayaana yimid markii Shirkada Uber loo ogolaaday in ay ka Shaqo bilowdo Norway 1 July.

Ururka Tagaasida Norway ee NHO ayaa Dowlada ka dalbaday in dib loo dhigo Sharcigan mudo hal sano ah Madama wadanka uu ka jiro Xaalada Coronavirus oo hoos u dhigay dhaqaalahooda.

Gudiga ururka ayaa Sheegay in ay Qasaareen boqolkiiba 80% isla markana Dowlada ka dalbanayaan Hakinta Sharcigan oo Shirkadaha Taxiga u fasaxaya in ay ka Shaqeestaan Wadanka.

Codsigan Ururka waxaa durba kasoo horjeestay Shirkada Uber oo loolan adag kala dhaxeeyo Shirkadaha kale marka la eego tartanka Suuqa ee Tagaasida.

Ugu danbeyn Dowlada ayaa loo gudbiyay doodaasi ka taagan labada dhinac waxaana la sugayaa go’anka Dowlada ee ah in dib loo dhigo ama in Sharciga uu sidaasi ku dhaqan galo dhawaan.

Somaliska Oslo

Waxaa diyaariyay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here