Home Wararka Maanta Sweden oo ka jawaabtay Somalida warbixin la’anta ku dhacday ee Corona u...

Sweden oo ka jawaabtay Somalida warbixin la’anta ku dhacday ee Corona u dhintay

0

Sweden ayaa ka hadashey somalida dhawaan u dhimatay Cudurka Corona waxaana arintaasi ka hadlay maamulka dhanka Caafimaadka

Su’aalihii shirka jaraa’id lagu weeydiiyey Anders Tegnell ayey ka mid ahaayeen wararka beryahan dambe saxaafadda qabsaday iyo tirada soomaalida u geeriyootay fayruska corona ee dalka Sweden, sababta loo soo bandhigi waayey sida dalka Noorway uu ku tallaabsaday tirada qowmiyadaha kala duwan ee fayruska u geeriyoota?.

Ander Tegnell ayaa sheegay in wada xaajood ay hayadda uga socoto la xiriira tiarada qowmiyada kala duwan ee Sweden kaga geeriyoota fayruska in la soo ba dhigo iyo in kale, hase yeeshee aanay marnaba suurtagal noqon doonin in dibadda la soo dhigo xog lagu garawsan karo shakhsiyaadka dhinta.

Mar uu ka jawaabayay in sababta ugu wacan tirada badan sida suuqa la isla dhex mareyo ee soomaalida u geeriyootay corona ayuu Anders Tegnell sheegay in aanay la ahayn isaga qof ahaan baahi ka haysatay warbixinta oo aan ku filleyn ama aan gaarin, sida uu hadalka u dhigay.

Caalamka guud ahaan ayaa ku dhow 1 malyan dadka qaadey fayruska corona, 500 oo kun oo ka mid ahina ku dhaqan yihiin qaaradda Yurub.

Sweden waxay tiradaasi kor u dhaaftay 5 kun oo qof, 5 400 oo qof. Iyadoona 24-kii saac oo ugu dambeeyey ey ku soo biireen 500. Waana tiradii ugu badnayd maalin keliya.

Illaa 400 ayaa ku jira xaaladda daryeelka joogtada, intensivvård waxa lagu m agacaabo dalka guud ahaan. Badankood waxey ku sugan yihiin gobolka Stockholm, iyo sidoo kale gobollada Sörmland, Uppsala iyo qaar iyaguna ku sugan  Öster Götland, sida uu sheegay Anders Tegnell oo ka howlgala hayadda caafimaadka bulshada.

Waxaa iminka uu faafidda fayruska corona gaaray heer cusub oo maalintiiba laga helo 400 illaa 500 oo qof beryahan ugu dambeeyey, sida uu sheegay. Isagoona mar kale ku celiyay talooyinkii hayadda ee ahaa:

-In iminkaba laga fekero masuuliyadda cid walba saaran. In dareen yar oo shaki hadduu ku galo aad guriga isku karantiisho, guryaha laga soo shaqeeyo haddii la awoodo, isla markaana la ilaaliyo caafimaadka waayeelka lagana gaabsado booqashadooda.

Dhanka kale waxaa kor u kacaya dadka da’da ah ee fayruska u soo dhacaya, middaasina ugu wacan tahay kor u kaca tirada dadka u baahan daryeelka joogtada ah, middaasina oo culeeyska kor ugu sii qaadaysa howlwadeennada caafimaadka, maadaama ey dadka gaareya ka badan yihiin kuwa ka baxaya. Hase yeeshee weli awood loo leeyahay culeeyska. Waxaa sidoo kale maanta la furay cusbitalkii teendhada ee laga furay xarunta carwada ee Älvsjö.

Tirada geerida ayaa sidoo kale kor u kacaysa, maadaama ey waayeel badan qaadeyaan fayruska, iyaguna yihiin kuwa inta badan u geeriyooda. Waana tiro u dhiganta 25-30 maalintii, sida uu shirka jaraa’id ka sheegay Anders eignell.

Guud ahaan xaaladda faafidda fayruska ayuu sheegay Anders Tegnell iney kor u sii kaceeyso, sidaasi oo ey tahayna la oran karo in weli uu kor u kacaasi mareyo heerkii ey maleeynayeen, oo aanay xaaladdu fara ka bixin. Waana mid loo baahan yahay in dhammaan la iska kaashado, si aaney middaasi u dhicin, sida uu hadalka u dhigay:

Bulshada mar uu la hadlayay ayuu sheegay Anders Tegnell in shakiga ugu yar haddii aad qaato inaad calaamado isku aragto aadan guriga ka bixin, ka ilaaliso bulshada intii karaankaaga ah. Haddii aad 70 jir kor u dhaafteyna guriga ha ka bixin, iskana ilaali intii la awoodo xiriirka bulshada, sida uu sheegay Ander Tegnell oo ka hadlayay shirkii jaraa’id ee maalinlaha ee xaaladda caabuqa corona.

Somaliska Stockholm

Editing Somaliska.com

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here