Home Wararka Maanta Dhimashada Coronavirus ee Sweden oo 200 qof dhaaftay

Dhimashada Coronavirus ee Sweden oo 200 qof dhaaftay

0

239 ruux ayaa u dhintay feyruuska Corona. Dhanka kale ayey tirada qaaday gaadhay 5000. Sidaas ayey heeyada caafimaadka dhowan ku shaacisay shir saxaafadeed.

Islamarkaas ayey kuwa u baahan dayeelka joogtada ah ku dhow yihiin 4000 dalkan.

-Madama ay kor u sii kacayaan kuwa qaba Corona ayaan dadweeynaha rabnaa in aan kula talliyo in hadii ay macquul tahay guryaha laga shaqeeyo, in la booqanin dadka da´doodu weeyntahay iyo in shaqada laga joogo hadii la jirran yahay. Waa sida uu shirkan ka sheegay Anders Tegnell oo ka hawlgala heeyada caafimmaadka.

Sida tirokoobku sheegayo ayey dadka cudurkan ku dhintay u badan yihiin waayeel. Waxaa sido kale heeyadan soo gaadhay dhowr kiis oo tusaya in uu cudurkani ku fidayo goobaha lagu xanaaneeyo waayeelka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here