Home Wararka Maanta Dhaqaale gaaraya 20 bilyan oo loogu deeqay Degmooyinka Sweden

Dhaqaale gaaraya 20 bilyan oo loogu deeqay Degmooyinka Sweden

0

Degmooyinka ayaa dowladda ka helaya 20 bilyan oo dheeraad ah.  Sidaa waxa xaqiijiyey dowladda iyo xisbiyada Centerpartiet iyo Liberalerna mar ay soo bandhigeen miisaaniyadda cusub ee lagu maareeynayo caabuqa koroona.

– Waxan maanta halkan ku soo gudbinayaa in miisaaniyadda guga ay ku jirto 20 bilyan oo lacag saa’ida oo loogu tala galay goballada iyo degmooyinka iyadoo 15 bilyan oo ka mida lacagtaasi tahay mid cusub, ayuu yiri Emil Källström, afhayeenka siyaasadda dhaqaalaha xisbiga Centerpartiet.

Emil Källström ayaa intaa raaciyey iney goballada iyo degmooyinka ay iyagu go’aan ka gaarayaan sidey lacagtaa u isticmaalayaan ujeeddaduna tahay in lacagtaa lagu xoojiyo adeega ay goballada iyo degmooyinku bixiyaan.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here