Home Wararka Maanta Somaliska Oslo oo lagu aasay Somaligii ugu horeeyay ee Coronavirus u dhinta

Oslo oo lagu aasay Somaligii ugu horeeyay ee Coronavirus u dhinta

0

Marxuum Axmed Faarax Cali ayaa noqday Soomaaligii ugu horeeyay ee dalka Norwey ugu geeriyooda xanuunka Covid 19, waxaana maanta lagu aasay magaalada Oslo.

Waxaa aaska marxuumka kasoo qeybgalay dad 50 qof gaarayo, tiradaas oo aheyd tirada ugu badan ee hey´addaha dowladu ay ogolyihiin inay isugu imaan karaan janaasada duugta dadka u geeriyooda xanuunka covid-19.

Hey´addaha dowlada ayaa soo rogay habraac la xiriira qaabka loo aasayo dadka u geeriyooda xanuunkaas.

Marxuum Axmed Faarax Cali ayaa sida dadka yaqaanay ay sheegeen ahaa qof aad looga qadariyo bulshada Soomaalida Oslo.

Soomaali fara badan ayaa qaarada Yurub ugu geeriyootay xanuunka Covid 19, waxaana meelaha Soomaalida badan uu cudurkan ku dilay ka mid ah Sweden, UK iyo meelo kale.

Info@somaliska.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.