Home Wararka Maanta Hogaamiyaha Xisbiga Sverigedemokraterna ee Sweden oo laga soo tarxiilay Turkiga

Hogaamiyaha Xisbiga Sverigedemokraterna ee Sweden oo laga soo tarxiilay Turkiga

0

Sida ay qoreen warbaahinta Dalka Sweden waxaa maalinta Jimcada laga soo tarxiilay Dalka Turkiga Hogaamiyaha Xisbiga Sverigedemokraterna kaasi oo kasoo horjeeda Qaxootiga iska dhiiba iyo kuwa ku sugan Dalka Sweden.

Sawiro lasoo bandhigay ayaa lagu arkay jimmie åkesson oo dhinacyada kajoogaan Booliska Turkiga kuwaasi oo kasoo tarxiilay Garoonka Istanbul kadib mudo dhoor saacadood oo la hayay.

Warbaahinta Sweden ayaa intaasi ku dartay in jimmie åkesson uu gaaray Xaduuda Dalalka Giriiga iyo Turkiga Halkaasi uu ku Qeybiyay Warqado ay ku qoranyihiin Sweden way buuxsantay yaan la tagin.

Afayeen u hadlay Xisbigaasi oo Xaqiijiyay Falkaasi dhacay ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in ay Xiriir la sameeyeen Safaarada Sweden ee Turkiga si falkaasi loogala xiriiro Dowlada.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here