Home Wararka Maanta Sharuudaha lagu heli karo Lacagta A-kassa ee xeerka cusub

Sharuudaha lagu heli karo Lacagta A-kassa ee xeerka cusub

0
STOCKHOLM 20200330 Finansminister Magdalena Andersson och finansmarknads- och bostadsminister Per Bolund under en pressträff om nya budgetåtgärder med anledning av coronaviruset. Foto: Janerik Henriksson / TT / kod 10010

Sweden waxay si kumeelgaar ah u dejisay sharciyada ku saabsan cidda u qalanta caymiska shaqo la’aanta, iyada oo qayb ka ah xeerar cusub oo la soo saaray si loogu caawiyo dadka shaqooyinkooda uu ku dhacay cudurka coronavirus.

Xeerarka ku saabsan cidda u qalmi kara caymiska ayaa la dejiyay, labadaba inta ugu yar iyo inta ugu badan ee la bixinayo iyada oo qayb ka ah isugeyn tallaabooyin cusub.  Waxaa isku raacay Xisbiyada.

Sweden waxay leedahay lacagta shaqo la aanta ee loo yaqaan ‘ arbetslöshetskassa ‘ ama ‘ a-kassa ‘, malaayiin shaqaale ah ayaa bixiya caymiska shaqo la’aanta ku saleysan haddii aad shaqeyso.

Xeerarkii hore, shaqaaluhu waa inay xubin ka ahaadaan sanduuq 12 bilood ka hor intaysan helin caymiska, oo loo baahnaa inay shaqeeyaan ugu yaraan 80 saacadood bishiiba ugu yaraan lix bilood ka hor si ay ugu qalmaan.

Hadda, shaqaaluhu kaliya waxay u baahan yihiin inay shaqeeyaan ugu yaraan 60 saacadood bishii, oo waxay xaq u yeelan doonaan magdhow kadib saddex bilood oo xubin ah kadib. Sababta ayaa ah in inbadan oo kamid ah dadka ay ku dhacday shaqo la’an sabab u ah cudurka coronavirus.

Xadka mushaarka iyo xaddiga ugu yar ayaa labadaba si ku meelgaar ah loo koriyay. Taas macnaheedu yahay in 100ka maalmood ee ugu horreeya, xaddiga ugu badan laga soo qaadi doono 910 karoon illaa 1,200 karoon maalintii. 

Somaliska Stockholm

Waxaa turjumay somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here