Home Wararka Maanta Sharci Cusub:- Dowlada Sweden oo fududeeysay Sharuudaha lagu dalbado Lacagta A-kassa- ee...

Sharci Cusub:- Dowlada Sweden oo fududeeysay Sharuudaha lagu dalbado Lacagta A-kassa- ee Dadka shaqo la’anta

0

Dawladda iyo xisbiyada Liberalerna iyo Centerpartiet oo shir jaraa’id qabanaya ayaa soo bandhigey qorshe cusub oo lagu kabeyo dhaqaalaha shirkadaha iyo degmooyinka, sidii looga kaaban lahaa saameeynta dhaqaalaha ee fayruska.

Go’aannada dawladdu soo bandhigtay ayay ka mid tahay in dadka shaqa la’aantu la soo gudboonaatay loo sahlo shuruudaha lagu buuxiyo qaadashada gunnada sanduukha shaqa la’aanta ee a-kassa.

Qaar badan oo ka mid ah dadka shaqa la’aantu la soo gudboonaatay xaaladdan ayaa ku howlanaa shaqooyin aan ammaan ahayn eyna dhici karto in aaney xubin ka ahyn khasnadda shaqa la’aanta ee a-kassan. Waana sababta lo soo jeediyey in la sahlo muddo ku meel gaar ah shuruudaha loogaga mid noqdo sidii lagu qaadan lahaa gunnadaasi iyada oo la sahleyo muddada uu qofku u baahnaa inuu soo shaqeeyey ama uu xubin ka ahaa a-kassa.

– Shirkado ayey busaarad ku dhici doontaa, isla markaana shaqaale ayaa ku waayi doona goobahoodii shaqo, sida ay sheegtay Magdalena Andersson (S) mar ay shirka jaraa’id ku soo ban dhigeeysay go’aannada taageerada dhaqaale ee dawladdu soo ban dhigtay sidii looga hor tegi lahaa xaaladda saameeynta fayruska corona.

Go’aannadana ayey heshiis ka soo wada gaareen dawladda iyo xisbiyada ey wada shaqeeynta leeyihiin ee Liberalerna iyo Centerpartiet.

Sidoo kale is bedelka nidaamka a-kassa ayaa lagu go’aamiyey in kor loo qaado gunnada si ku meel gaar ah, si looga hor tago caqabadda dhaqaale ee ka iman karta. Iyadoo weliba loo qoondeeyey 100 malyan oo hor leh sidii howlahaa loogu maareeyn lahaa.

Shirka jaraa’id waxaa kaloo lagu soo ban dhigey go’aanno kale oo saameeynaya nidaamka dhaqaalaha deeynta ee ardeyda. In ardayda wax ka barata caafimaadka ey gacan ka geeysan karaan howlaha caafimaadka iyada oo dakhliga soo galaa aanu saameeyn ku yeelan doonin dhaqaalihii waxbarashada oo sida caadiga ahi ahayd in lacagtaasi laga jaro in u dhiganta dakhliga soo galay. Tallaabadaasina oo noqon doonta ku meel gaar inta lagu guda jiro 2020.

Waxaa sidoo kale la kordhiyey kuraasta waxbarashada ee jaamicadaha iyo tacliinta sare, koorasyada xilliga kuleeylaha, si ey dadka shaqa la’aantu asiibtay u buuxsadaan maadooyinka ka dhiman sidii ey tacliintooda ku sii wadan lahaayeen tusaale ahaan waxbarashada howlaha caafimaadka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here