Home Wararka Maanta Xafiiska Shaqada Sweden oo soo bandhigay tirada Shaqaalaha ee Shaqada laga fadhiisiyay

Xafiiska Shaqada Sweden oo soo bandhigay tirada Shaqaalaha ee Shaqada laga fadhiisiyay

0

Saddexda toddobaad ee ugu horreeya bisha Maarso, in ka badan 18,000 oo qof oo ku nool Iswidhan ayaa lagu ogeysiiyay Shaqo joojin sida uu sheegay Xafiiska Shaqada.

Annika Sundén, oo ah madaxa falanqaynta ee xafiiska shaqada ayaa tiri: “Waa heer ka sareeya intii lagu jiray qalalaasaha dhaqaale,” hadalkan ayay ka sheegtay shir jaraa’id ay qabatay

Ilaa iyo bishii Marso, 18,367 qof ayaa lagu wargaliyay in laga eryo shaqooyinkooda Iswidhan.

– Waxay u badan tahay inay hooseeyso madama la filayo inay gaarto 20,000 oo qof. Maria Mindhammar, oo ah Agaasimaha Guud ee Xafiiska Shaqada, ayaa tiri sidaasi:

Hotelada iyo makhaayaddii ayaa ugu daran Shaqo fadhiisinta

Waxyeelada ugu daran ayaa gaartay hotelada iyo makhaayadaha, kuwaas oo boqolkiiba 50 ka ah digniinta, oo ay ku xigto safarka iyo warshadaha shaqaalaha, iyo sidoo kale warshadaha gaadiidka iyo ganacsiga.

Somaliska Stockholm

Waxaa Turjumay Somaliska Team

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here