Home Wararka Maanta Sweden oo Joojisay guud ahaan Imtixaanaadka Qaranka ee Iskuulada Waxbarashada

Sweden oo Joojisay guud ahaan Imtixaanaadka Qaranka ee Iskuulada Waxbarashada

0

Dhammaan imtixaanaadka qaran ee dugsiga hoose iyo kan sare waa la baajiyay xilliga guga sababta oo ah cudurka faafa ee corona. Sidaas waxaa shirjaraaid ku qabtey wakaaladda waxbarashada dadweeynaha u qaabilsan waxbarashada.

– Go’aanku wuxuu ka kooban yahay nidaamka dugsiga oo dhan iyo maamulayaasha oo dhan, ayuu yidhi Peter Fredriksson oo ka tirsan Wakaaladda Waxbarashada Qaranka.

Wakaaladda waxbarashada ayaa damacsan in maalmaha soo socda ay go’aan rasmi ah ka qaataan joojinta imtixaanada qaran ee harsan.

Shirkii jaraa’id waxaa ka waramey Peter Fredriksson, oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Qaranka ee Waxbarashada,.

– Waxaa nala siiyay fasax jimcihii ina soo dhaafay si aan go’aanno uga gaadhnno sida dugsiyada u yeelanayo imtixaannada. Wakaaladda waxbarashada ee qaranka ayaa hadda go’aamineysa in imtixaanno dambe oo qaran aan lagu qaban doonin guga 2020-ka.

Somaliska Stockholm

Waxaa Turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here