Home Wararka Maanta Shirkada Gadiidka Sweden SL oo hoos dhintay Safarada Basaska iyo Tareenada

Shirkada Gadiidka Sweden SL oo hoos dhintay Safarada Basaska iyo Tareenada

0

Qiyaastii shaqaale tiradoodu gaarsiisan yihiin 15-20% oo ka howlgala shirkadda gaadiidka dad weynaha ee magaceeda loo soo gaabiyo SL ayaa ka maqan goobahoodii shaqada middaasina oo ey ugu wacan tahay saameeynta caabuqa corona.

·       Iyadoona ay shirkadda SL iminka go’aansatay inay dhinto safarrada gaadiidka oo ey ka mid yihiin basaska, sida uu sheegay madaxa laanta saxaafadda ee shirkadda SL Claes Keisu. Dhanka kale ma ahan oo keliya howl wadeennadii shirkadda waxa  sidoo kale aad u yaraadey rakaabkii raaci jirey gaadiidka dad weynaha.

·       -Waxaannu eegney tirada ka gudubta xayndaabyada xarummaha tareemmada dhulka hoose mara iyo kuwa mara dusha sare. Waxaana halkaa nooga muuqatey iney bar hoos u dhaceen dadka raaca marka loo barbar dhigo toddobaad caadi ah, sida uu sheegay Claes Keisu oo u warramay laanta idaacadda ee P4 Stockholm. Isagoo hadalkiisii sii watana sheegay in is bedelkani aannu salka ku hayn rakaabka oo yaraadey, ase yeeshee ay ugu wacan tahay shaqaale darro.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here