Home News in English Dowlada Sweden oo bilowday Xiritaanka qeybo kamid ah Iskuulada Wadanka

Dowlada Sweden oo bilowday Xiritaanka qeybo kamid ah Iskuulada Wadanka

0

Dawladda iyo heeyada caafimaadka bulshada ayaa si wadjir ah kula taliyey maamullada dugsiyada sare (gymnasiet) jaamacadaha iyo waxbarashada dadka waaweeyn ee Komvux in ay laga bilaabo berito arbacada albaabada u xidhaan. Taladan ayaa xidhiidh la leh  feyruuska Corona oo la rabo in khatartiisa la yareeyo.

Waxbarashadan ayaa ardayda loogu surtogalinaya in ay guryahooda ku qaataan. Waa sida uu ra´iissal wasaare Stefan Löfven dhowaan ku sheegay shir saxaafadeed.

Hasayeeshe dawladda ayaan weli jawaab ka dhiibin wixii lagu sameeyn lahaa dugsiyada asaasiga ah ee hoose/dhexe (grundskola) iyo kuwa xannaanada in la xidhi doono iyo in kale.

-Waa macquul in aanu wakhtiga fooda inugu haya iskuuladan xidhno, waana arrin aanu isku diyaarinayno. Sidaas daraadeed ayaanu hadda xooga saaraynaa in caruuraha waalidkood ka shaqeeyo daryeelka caafimaad loo sameeyo meelo caruurahooda lagu xannaaneeyo muddada ey shaqada ku maqan yihiin. Shaqaalahan ayaa aad ugu muhiim ah bulshadeena, ayuu sheegay ra´iisal wassaare Stefan Löfven.

Wasiiradda waxbarashada Anna Ekström oo iyaduna goob joog ka ahayd shirka jaraa´iid ayaa sheegtay in waxa ugu muhiimsan hadda tahay in dalku joogsanin wakhtigan adag ee lagu jiro.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here