Home Wararka Denmark Denmark oo iska xirtay Xuduudka Sweden ay la wadaagto

Denmark oo iska xirtay Xuduudka Sweden ay la wadaagto

0

Saacadda marka ay maanta ahayd 12 duhurnimo dalka Danmarka ayaa xiray xadka uu la wadaago Sweden si isaga ilaaliyo faafista cudurka Coronavirus.

Dadka Sweden ee ka duuli lahaa garoonka Kastrup ee Kobenhagen ayaa imminka loo diidayaa in ay u gudbaan dhanka Danmark iyada oo dhammaan tareenada SJ la filayo in ay ka soo kala wareegaan magaaladda Malmö.

Weriyaha idaacadda Ekot Niklas Eriksson oo ku sugan xadka buunada Öresundsbron ee dhanka Sweden ayaa sheegay in imminka la arkayo sida dhaqsiyaha ah ee  go’aanka ay Danmark ku dhawaaqday ee xad xirashada u hirgelayo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here