Home Wararka Maanta Somaliska Switzerland oo laga furay Xaruun laga bixiyo Basaboorka Somaliga iyo Safiirada oo...

Switzerland oo laga furay Xaruun laga bixiyo Basaboorka Somaliga iyo Safiirada oo ka hadashey

0

Safiirka Soomaaliya ee Wadamada Switzerland iyo Austria Danjire, Ebyan Maxamed Saalax iyo K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane, Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa si wadajir ah u furay Xafiiska bixinta Baasaboor Soomaaliya oo laga dhex furay Safaaradda Soomaaliya ku leedahay wadanka Switzerland.

Furitaanka Xafiiska Bixinta Baasaboorka ayaa waxaa goobjoog ahaa Xoghayaha 1aad ee Safaaradda iyo Masu’uuliyiin kale oo kasoo qeybgashay furitaanka, waxeyna dhamaantood sheegeen in adeegyadan ay baahi weyn u qabeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Switzerland iyo wadamada ka agdhow, islamarkaana ay hada kadib fursad u siineyso in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ka heli karaan Safaaradda Soomaaliya ee Geneva adeegga Baasaboorka.

Danjire Ebyan, oo hadal kooban ka jeedisay munaasabada ayaa uga mahadcelisay Madaxda Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda hirgelinta Xafiiska Baasaboorka ee Safaaradda Soomaaliya ee Geneva.

Sidoo kale K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed, ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay madaxda Safaaradda soo dhaweynta ay u sameeyeen, dhanka kalena goobta ka sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya {HSJ} ay sanadkan ku howlan tahay sidii ay adeegga bixinta Baasaboorka u gaarsiin laheyd goobo hor leh oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ah si Muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu soo dhaweeyo adeegga Baasaboorka.

Somaliska Switzerland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.