Home Wararka Maanta Dad badan oo lagu dilay Weerar ka dhacay Dalka Germalka gaar ahaan...

Dad badan oo lagu dilay Weerar ka dhacay Dalka Germalka gaar ahaan Magaalada

0

Labo weerar oo dhaliyay khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saacado kahor ka dhacay Magaalada Hanau ee dalka Jarmalka, waxaana socda howlgalo balaaran ay wadaan booliiska Jarmalka.

Inta la xaqiijiyay 8-qof ayaa ku dhintay shan qof oo kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray labo weerar oo ka dhacay Magaalada Hanau ee dalka Jarmalka, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in weeraro kale dhacaan.

Weerarka koobaad ayaa ka dhacay Baar shiishada lagu cabo halkaas oo lagu toogtay sadex qof , weerarka labaad ayaa sidoo kale ka dhacay goob lagu qaxweeyo oo isla magaalada Hanau kutaala halkaas oo iyana lagu dilay 5-qof oo kale.

Kooxdii fulisay weeraradan oon heebtooda la garan  ayaa la sheegay in ay baxsadeen, ciidamada amaanka ayaana wada howlgalo balaaran ay ku baadi goobayaan dableydii fulisay weeraradan khasaaraha geestay.

Dalka Jarmalka ayaa waxaa ka dhaca weeraro mararka qara salka ku haya naceyb, lmana oga wali weerarkan cida ka dambeesay iyo ujeedkiisa, waxaana warbaahinta dalka Jarmalka weerarkan uga hadlayaan diyaabo kala duwan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here