Home News in English Finland oo Qaxooti kasoo qaadaneysa Dalka Gariiga

Finland oo Qaxooti kasoo qaadaneysa Dalka Gariiga

0

Dowlada Finalnd ayaa shaaca ka qaaday in Qaxootiga ku sugan Dalka Gariiga gaar ahaan Qaxootiga Caruurta ay kasoo qaadaneyso Kaamamka halkaasi ku yaalla Sida maanta daabacay Joornalka YLE ee kasoo baxa Dalkaasi.

Sida Joornaalkaasi kasoo xigtay Wasiirka Arimaha Gudaha Finland Maria Ohisalo waxay Dowlada Finland isku diyaatineyso kaalinteeda ku aadan Codsiga Dowlada Gariiga ee ahaa in Caruurta ku sugan Kaamamka Dalkaasi loogu qeybin lahaa wadamada kale ee Midowga Yurub.

Faransiiska oo codsigaasi ka jawaabay ayaa dhawaan qaatay 400 oo Caruur ah oo kamid ah 1000 Caruur ah oo Dowlada Gariiga u soo bandhigta wadamada kale ee Yurub.

Codsiga Gariiga ayaana yimid Sanadkii 2019 bishii Oktobar taasi oo sabab u aheyd Waxbarasho la’an soo wajahday Caruurtaasi ku sugan Kaamamka.

Somaliska Helsinki

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here